Howlgallo gaar ah oo rag ka tirsan Shabaabul Mujaahidin ka fuliyeen gudaha magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda ayaa lagu kala dilay sarkaal iyo askari ka tirsanaa kooxda Riddada Somalia, howlgalka hore oo ka dhacay degmada Heliwaa waxay Mujaahidiintu ku dileen sarkaal 1 xidigle ah oo lagu magacaabi jiray Cali Faarax.
Howlgalka lagu khaarajiyay sarkaalkan ayaa daba socda howlgallo gaar ah oo saacadihii lasoo dhaafay Mujaahidiintu ka fuliyeen gudaha magaalada Muqdisho kuwaas oo lagu dilay saraakiil muhiim u ahaa kooxda Ridada oo uu ka mid ahaa ashahaada la dirir Maxammed Muumin Cilmi oo horay usoo ahaa Taliyihii Ururka 41-aad ee Guutada 5-aad ee maleeshiyaadka Riddada ee ka howlgasha gobalka Hiiraan iyo murtad Xasan Bariise Xeydar oo ahaa Sarkaal Sare oo ka tirsanaa Madaxtooyada kooxda Riddaa ee Villa-Somalia.
Dhanka kale howlgal gaar ah oo maanta rag ka tirsan ciidamada Mujaahidiintu ka fuliyeen deegaanka Tareedisho ee dhaca duleedka magaalada Muqdisho waxay ku dileen askari murtad ah oo ka tirsanaa maleeshiyaadka murtadiinta.