Fagaare kuyaal degmada Jammaame ee wilaayada islaamiga ah ee Jubbooyinka waxaa gelinkii dambe ee shalay ka dhacay xukun xaddu Riddo dil ah oo lagu fuliyay 2 askari oo ka tirsanaa maleeshiyaadka murtadiinta, ka dib markii ay Mujaahidiintu gacanta kusoo dhigeen askartaas.
Maxkamadda islaamiga ah ee wilaayada Jubbooyinka oo la hor geeyay askarta Riddada ee ay nolasha kusoo qabteen ciidamada Mujaahidiinta soona xiganaysa qiraalka eedaysaneyaasha ayaa sheegtay in Cabdiraxmaan C/llaahi Yuusuf oo 19 jir ah uu ka tirsanaa maleeshiyaadka booliska kooxda Riddada Soomaaliya, halka Saaddaam Cali Silikow oo 20 jir ahna uu ka mid ahaa maleeshiyaadka maamulka Riddada ah ee Jubbaland gaar ahaan kuwa ashahaada la dirirka ah ee loogu yeero Ps-ta.
Boqollaal ka mida dadweynaha degmada Jammaame ayaa soo buuxdhaafiyay fagaaraha, waxaana goobta fagaaraha xukunka Riddada ah lagula fuliyay labada askari ee ka tirsanaa murtadiinta.