Xafiiska warfaafinta xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ayaa warsaxaafadeed muhiim ah kasoo saaray howlgalkii aadka u xoogganaa ee ay saaka Mujaahidiintu kula jarmaadeen saldhigga maleeshiyaadka murtadiinta ay ka deganaayeen deegaanka Xawaadley ee dhaca jiinka wilaayada Sh/dhexe.
Weerar oo ku billowday camaliyad Istish-haadi ah oo uu fuliyay mujaahid ka tirsan guutada Istish-haadiyiinta uuna xigay dagaal toos ah oo lagu wajahay maleeshiyaadkii murtadiinta ee ku sugnaa xerada ayaa si ba’an loogu xasuuqay askar iyo saraakiil murtadiin ah.
Warsaxaafadeedka Mujaahidiinta waxaa lagu xaqiijiyay dhimashada 63 murtad oo isugu jira saraakiil iyo askar ka mid ahaa maleeshiyaadka Riddada ee ku sugnaa saldhigga, waxaana saraakiishii dagaalkaasi lagu dilay ka mid ahaa murtad ashahaada la dirir ah Gaashaanle sare Abshir Maxamuud Maxamed Shataqeey oo ahaa taliyaha guutada 3-aad qeybta 27-aad ee maleeshiyaadka Riddada halka sidoo kale ay Mujaahidiintu soo ghaniimeysteen gaadiid dagaal hub iyo saanad kale, waxayna sidoo kale gubeen gaadiid dagaal oo ay xerada kaga carareen maleeshiyaadka Riddada.
Halkan Ka Akhriso Bayyaanka Xafiiska Warfaafinta Mujaahidiinta.