Howlgal gaar ah oo rag ka tirsan ciidamada Mujaahidiintu ay maanta ka fuliyeen suuqa degmada Kaaraan ee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho waxaa lagu dilay madixii dhanka canshuurraha u qaabilsanaa, maamulka Riddada gobolka Banaadir ugu magacaaban degmadaasi Kaaraan.
Murtadka ay Mujaahidiintu khaarajiyeen waxaa lagu magacaabi jiray Liibaan Maxammed Xaashi, murtadkan ayaana caan ku ahaa baadda dadka shacabka ah ee ku dhaqan degmada Kaaraan, balse Mujaahidiinta ayaa Allaah fadligii soo afjaray nolashiisa.
Dhanka kale wilaayada Hiiraan waxaa maanta deegaan dhaca duleedka magaalada Beledweyne ka dhacay dagaallo xooggan oo lagu jabiyay maleeshiyaadka Riddada, dagaallada oo ah si gaar ah kaga dhacay deegaanka Baardheere ee duleedka Beledweyne waxaa inta la hubiyay ku dhaawacmay 4 askari oo murtadiinta, waxaana dagaalladii maanta ku jabay maleeshiyaadka Riddada.