Mujaahidiinta Xarakada Alshabaab ayaa saaka qaaday weerar noociisa aan sannadahan lagu arag furimaha dagaalka.
Mujaahidiinta ayaa subaxnimadii hore ee saaka oo jimco ah weerar cagmarin ah ku qaaday degmada Galcad oo dhacda wilaayada Galgaduud oo dhawaan ay soo galeen maleeshiyaad ka tirsan ridada oo aad u tiro badan.
Mujaahidiinta ayaa dhowr jiho ka wareeraray degmada, waxana jab aan hore loo arag uu ku dhacay maleeshiyaadkii ridada oo u badnaa kuwo uu Maraykanku soo tabobaray oo ku hubaysnaa gawaari dagaal oo casri ah oo tiro badan, waxana gacanta looga dhigay dhammaan gawaaridii oo soddon ka badan.
Dhanka dhimashada askasrta ridada oo aad u tiro badan ayaa hadda lagu mashquulsanyahay tirakoobkooda, faahfaahinta oo dhammaystiran waan soo gudbinaynaa.