Sheikh Cali Maxamuud Raage oo ah afhayeenka Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ayaa kalimad uu jeediyay kaga warbixiyay duullaankii barakaysnaa ee ay Mujaahidiintu saaka kula jarmaadeen saldhigga maleeshiyaadka Riddada ee degmada Galcad.
Sheekha ayaa kalimaddiisa ku sheegay in xerada ay Mujaahidiintu beegsadeen ay ku sugnaayeen 3 urur oo 2 ka mid ah ay ahaayeen maleeshiyaadka Riddada ee uu soo tabobartay Maraykanka ee loo yaqaan Baangaraafta ama Danab, halka ururka saddexaad na uu ahaa kuwa uu Turkigu soo tabobaray ee loo yaqaan Gorgor, halkaas na Allaah fadligii ay Mujaahidiintu ku dileen 159 xubnood oo isugu jiray saraakiil muhiim u ahaa Maraykanka oo uu ka mid ahaa Kornayl Xassan Tuurre oo ahaa taliye ku xigeenka maleeshiyaadka Baangaraafta Riddada iyo askar ka;e oo murtadiin ah, iyadoo ay Mujaahidiintu gacanta ku dhigeen 45 gaari oo kuwa ciidnaka ah.
Afhayeenka Mujaahidiinta ayaa dhanka kale farriimo towbad keen ah u diray maleeshiyaadka murtadiinta ee lagu dagay dagaalka ka dhanka ah shareecada islaamka, isagoo haddii ay ka dhaga adeegaan baaqa Mujaahidiinta ee an inay Allaah usoo laabtaan ay mari doonaan waddada ay mareen saaxiibadoodii uu Allaah Subxaanahu Watacaalaa ku ciqaabay gacanta addoomadiisa Mujaahidiinta.