Howlgal Inqimaasi ah ayaa ka dhex socdo mid ka mid ah xarumaha aadka loo ilaaliyo ee ay kooxda Riddada Somalia ku leedahay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Howlgalka oo ku billowday camaliyad Istish-haadi ah, ayay Mujaahidiintu ku beegsadeen xarunta maamulka Riddada gobolka Banaadir, waxaana camaliyadda ka dib xigay weerar toos ah oo ay gudaha xaruntan ka wadaan ragga Inqimaasiyiinta ah.
Afhayeenka ciidamada xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab Sheikh Cabdicasiis Abuu Muscab ayaa qoraal horudhac ah oo uu talisku soo saaray ku sheegay in howlgalka uu ka dhex socdo gudaha xarunta ka dib markii ay Mujaahidiintu jiireen dhammaan maleeshiyaadkii ilaalada ka hayay xarunta.
“Hawlgal inqimaasi ah ayay haleeyo ka tirsan ciidamada gaarka ah ee Mujaahidiintu daqiiqado kahor ka billaabeen Magaalada Muqdisho. Hawgalka waxaa lagu beegsaday xarunta waxa loogu yeero maamulka gobolka Banaadir ee ay ku shaqeeyaan saraakiisha ridada ah ee cadawga u qaabilsan dhibaataynta shacabka Caasimada. Halyeeyada ka tirsan Mujaahidiinta ayaa hada gudaha ugu jira xarunta la beegsaday kadib markii ay laayeen ilaaladii xarunta, waxayna halkaas ka wadaan xaqiijinta hawgalkii loosoo xilsaaray. Wixii faahfaahin ah dib ayaan kasoo gudbin doonaa Insha’Allaah” ayuu yiri Sheikh Cabdicasiis Abuu Muscab.
La Soco Wixii Soo Kordha Insha’allaah.