Guutada qaraxyada Mujaahidiinta waxay maanta qarax xooggan la beegsadeen gaari ay la socdeen maleeshiyaad ka tirsan murtadiinta, xilli ay ku sugnaayeen deegaanka Buulo-gaduud ee duleedka kismaayo, halkaas oo khasaare kala duwan lagu gaarsiiyay maleeshiyaadka murtadiinta.
Ilo wareedyo masuul ah ayaa xaqiijiyay in qaraxaasi uu si wanaagsan u haleelay gaari ciidan oo ay ka buuxeen askar ka tirsan murtadiinta, waxaana inta la xaqiijiyay howlgalkaasi ku dhintay 5 askari oo murtadiin ah, waxaa sidoo kale goobta ku gubtay gaariga la qarxiyay.
Howlgalkan qaraxa ah ayaa kusoo beegmaya xilli saacadihii lasoo dhaafay ay Mujaahidiintu dagaal culus ku qaadeen saldhigga maleeshiyaadka murtadiinta ee deegaanka Singaleer ee dhaca duleedka magaalada Kismaayo, dagaalkaas oo ay Mujaahidiintu ku dhaawaceen 3 askari oo midi yahay taliyihii guud ee saldhigyada Riddada ee Singaleer iyo buundada Wirkoy ee wada dhaca duleedka Kismaayo.