Guutada madaafiicda Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ee ka howlgala wilaayada Bakool waxay saacadihii lasoo dhaafay weerar madaafiic ah ku garaaceen garoonka diyaaradaha degmada Waajid ee wilaayadaasi Bakool, halkaas oo ay ku sugnayd diyaarad ay leeyihiin xabashida Itoobiya.
Ilo wareedyo masuul ah oo u waramay warbaahinta islaamiga ah ee Al-andalus ayaa xaqiijiyay in madaafiicdu ay ku dhaceen gudaha garoonka Waajid, xilli ay halkaasi ku sugnaud diyaarad sahay u sidday xabashida difaacyada kaga xaraysan degmadaas.
Ilo wareedyadu waxay intaa ku dareen in madaafiicda Mujaahidiintu ay sababeen inay dirqi ku badbaado diyaaradda sahayda u siday xabashida, ka dib markii ay saliibiyiintu lafaheeda kala baxsadeen garoonka diyaaradaha, waxaase jira khasaare kale oo soo gaaray kuffaarta Itoobiya wallow aan tirakoob rasmi ah la haynin.