Warar dheeraad ah waxaa laga helayaa dagaal culus oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay duleedka magaalada Beledweyne ee gobalka Hiiraan, Waxa uu dagaalkaas dhexmaray ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab iyo kuwa Hirshabeelle oo ay la socdaan maleeshiyaatka macaawisleyda ah.
Dagaalkaas ayaa saddex jeer lagu jabiyay maleeshiyaatka macaawisleyda iyo kuwa Hirshabeelle waxeyna goobta dagaalka kaga carareen meydadka Saddex Murtad, Waxa uu dagaalkaas si gaar ah kaga dhacay deegaanka Beerxaano ee hoostaga magaalada Beledweyne.
Meydadka goobta dagaalka looga cararay waxaa ka mid ah hogaamiye sare oo ka tirsanaa Macaawisleyda bariga Hiiraan kaasi oo lagu magacaabi jiray Muxumad Ibrahim Cilmi oo ku Magac dheraa Dible, Sidoo kale waxaa dagaaladaas maleeshiyaatka Ridada looga dhaawacay 8 askari.
Maamulka Hirshabeelle. Xukuumada Garguurte iyo Murtadiinta Macaawisleyda ayaa ku jabay dagaalada Bariha Hiiraan, Waxaana deegaanada dhaca duleedka Beledweyne inta badan gacanta ku haya ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab.