Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ee ka howlgala gudaha waddanka Kenya waxay saacadihii lasoo dhaafay weeraro is xig-xiga oo toos ah ku qaadeen saldhigyada ciidamada kuffaarta Kenya ay ka deganyihiin deegaanno ka tirsan gobolka Mandheera oo ka mid ah dhulalka muslimiinta (NFD) ee ku hoos jira gumeysiga saliibiyiinta Kenya.
Howlgallada oo ahaa kuwa is xig-xigay waxay Mujaahidiintu ku beegsadeen saldhigyada ciidanka saliibiyiinta Kenya ay ku leeyihiin deegaannada kala ah Dhamase oo dhaca duleedka degmada Lafeey, deegaanka Finnow oo hoostaga degmada Carabiyo, iyo degaanka Ilile oo hoostaga degmada Ceelqaalow oo ka wada tirsan gobalka Mandheera, waxaana jira khasaare soo gaaray saliibiyiinta.
Dhanka kale weerar hubeysan oo ay Mujaahidiintu ku qaadeen saldhigga saliibiyiinta Kenya ee degmada Ceelqaalow ee gobalka Mandheera waxaa la xaqiijiyay inay ku dhaawacmeen 4 askari oo Keenyaan ah, waxaa sidoo kale gubatay mid ka mid ah teendhooyinka ciidamada saliibiyiinta Keya ugu tiilay xerada, ka gadaal markii xerada lagu garaacay garneellada garbaha laga tuuro.
Howlgalladan waxay qayb ka yihiin weerarada jihaadiga ah ee ay Mujaahidiintu ka wadaan deegaanada muslimiinta NFD ee ku hoos jira gumeysiga saliibiyiinta Kenya, dhowaan ayay ahayd markii howlgal ay Mujaahidiintu ka fuliyeen inta u dhaxayso deegaannada Ijaara iyo Boday ee gobalka Laamuu kaas oo lagu dilay 18 Saliibiyiin Kenyaan ah oo isugu jira askar iyo shaqaalo u shaqeynayay dowladda Kenya, halka sidoo kale howlgalkaasi lagu gubay 9 gaari oo isugu jira noocyada kala duwan ee gaadiidka.
Maalmo ka hor ayey aheed markii ciidamada Shabaabul Mujaahidiin weerar kamiin ah oo ay ka fuliyeen inta u dhaxeysa magaalooyinka Ijaara iyo Boday ku dileen 18 Saliibiyiin ah oo isugu jirta askar iyo shaqaalo dowladeed, Waxeyna Mujaahidiintu weerarkaas ku gubeen 9 gaari oo isugu jirta noocyada kala duwan ee gaadiidka.