Rag hubeysan oo ka tirsan ciidamada jihaazka amniga Mujaahidiinta ee ka howlgala magaalada caasimadda ah ee Muqdisho waxay howlgal fariid ah oo ay ka fuliyeen degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir ku khaarajiyeen mid ka mid ah xubnaha jawaasiista kooxda Riddada Soomaaliya.
Howlgalkaan oo si gaar ah ay Mujaahidiintu kaga fuliyeen xaafadda Xoosh ee degmada Dharkenley waxaa lagu dilay murtad ashahaada la dirir ah oo lagu magacaabi jiray Xudeyfah Maxamuud Aadan oo ka tirsanaa sirdoonka Riddada gaar ahaan qaybta dharcadka, ee caanka ku ah dhibaataynta dadka muslimiinta gaar ahaan kuwa ay ka ka muuqato shacaa’irta islaamka.
Ciidamada Mujaahidiinta ee ka howlgala wilaayada Banaadir waxay maalmihii dambe xoojiyeen howlgallada gaarka ah ee madaxyada looga gurayo askarta iyo saraakiisha murtadiinta, howlgalladii ugu dambeeyay oo qaraxyo ahaa ayaana ka kala dhacay fariisimaha murtadiinta ee agagaarka Airport-ka Muqdisho iyo nawaaxiga xerada Sarkuusta ee u dhaw isgoyska Ex-contarool Afgooye ee Muqdisho.