Tafaasiil dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay camaliyaadkii barakaysnaa ee ay saaka ciidamada Mujaahidiintu kula jarmaadeen xerada muryadiinta ee degmada Afmadoow ee ka tirsan wilaayada Jubbooyinka iyo deegaanka Sabiid ee dhaca duleedka degmada Afgooye ee wilaayada Sh/hoose.
Saraakiil ka tirsan ciidanka Mujaahidiinta ayaa Andalus u xaqiijiyay in weerarkii camaliyaadka Istish-haadiga ah ku billowday ee saaka aroortii hore lagula kalahay deegaanka ay Allaah fadligii Mujaahidiintu ku dileen 38 askari oo murtadiin ah, halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen, waxaana jira hub iyo saanad ciidan oo ay dagaalkaasi kusoo qaniimeysteen ciidamada Mujaahidiinta.
Dhanka kale waxaa faahfaahin laga helayaa camaliyaadkii Istish-haadiga ee ay Mujaahidiintu saaka ku qaadeen xero ciidan oo maleeshiyaadka murtadiinta ay kaga sugnaayeen degmada Afmadoow, saldhigga camaliyaadka lagu galay oo ahaa taliska ugu waynaa ee maamulka ashahaada la dirirka ah ee Axmed Madoobe ka abaabulayay dagaalka ka dhamka ah shareecada islaamka, waxaana inta la xaqiijiyay camaliyaadkan mataanaha ah dhimasho iyo dhaawac ku noqday 43 murtad oo isugu jira askar iyo saraakiil murtadiin ah.
Waa camaliyaadkii ugu xooggaanaa ee maalmahan ay Mujaahidiintu ka fuliyaan wilaayaadka dhaca koonfurya dalka Soomaaliya tan iyo markii uu dagaakka ka dhanka ah shareecada islaamka ku dhawaaqay murtad Xassan Gurguurte.