Wararka ka imaanaya wilaayada Mudug ee dhacda bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in dagaallo dhowr jeer lagu jabiyay maleyshiyaadka murtadiinta ay ka dhaceen deegaanka Qayacad oo ka mid ah deegaannada dhaca koonfurta Mudug.
Dhanka wilaayada Sh/hoose ciidamada Mujaahidiintu waxay maanta howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen gudaha degmada Afgooye ku khaarajiyeen askari Boolis ah oo ka tirsanaa Riddada, kaas oo lagu magacaabi jiray Haaruun Baceysane.
Dhanka degmada Jannaale waxay guutada qaraxyada Mujaahidiintu howlgal barakaysan oo qarax ah la beegsadeen ciidamo ka tirsan kuffaarta Afrikaanta ah gaar ahaan kuwa Uganda xilli ay lugeynayeen gudaha degmada Jannaale, lama helin wax faahfaahin ah oo ku aadan khasaaraha kuffaarta ku gaaray howlgalkan.