Shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa markale cabasho ka muujiyay maamulka Riddada ah ee gobolka Banaadir, taasi oo salka ku haysay Gowrac ay maalmihii u dambeeyay murtadiintu ku hayeen xoolaha dadka shacabka ah ee ku dhaqan gobolka Banaadir.
Qaar ka mida dadka cabanaya oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in si bareer ah looga dhacay xoolahooda isla markaana lagu bireeyay goob fagaare ah, ka dib markii la dul dhigay lacago baad ah.
Waa markii labaad oo goob fagaare ah ay kooxda Riddada Soomaaliya gowrac kula dhaqaaqdo xoole ay leeyihiin dadka shacabka ah ee magaalada Muqdisho, Tani ayaana ka mid ah dhibaatooyinka ay la noolyihiin dadka rayidka ah ee ku dhaqan deegaannada ay ka arrimiyaan murtadiinta.