Guutada qaraxyada Mujaahidiinta ee ka howlgala wilaayada Hiiraan waxay saacadihii lasoo dhaafay qarax la beegsadeen fariisin ciidan oo maleeshiyaadka murtadiinta ay ka deganyihiin buundada weyn ee magaalada Beledweyne.
Qaraxaasi ayaa la wariyay in uu si wanaagsan u haleelay fariisinka maleeshiyaadka murtadiinta. lamana helin xog dhamaystiran oo ku aadan khasaaraha ka dhashay qaraxaasi.
Dhanka kale waxay Mujaahidiintu dagaal xooggan ku qaadeen saldhigga ciidamada saliibiyiinta Itoobiya ay kaga suganyihiin degmada Diinsoor ee wilaayada Baay. waxaana la maqlayay deryanka madaafiicda iyo hubka noocyadiisa kala duwan ee la isku adeegsanayay dagaalka.