Ciidamada Mujaahidiintu waxay maanta magaalada Muqdisho qarax kula beegsadeen mid ka mid ah saraakiisha kooxda Riddada Somalia, xilli uu ku socdaalayay gudaha degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.
Qaraxan waxay Mujaahidiintu si gaar ah ula beegsadeen sarkaal ka tirsan wazaaradda Isgaarsiinta ee kooxda Riddada murtadka lagu magacaabo Cabdiraxmaan Siciid, kaas oo la xaqiijiyay in uu ku dhaawacmay.
Howlgalkan qaraxa ah ayaa qayb ka noqonaya silsilado howlgallo ah oo ay Mujaahidiintu saacadihii lasoo dhaafay ka fuliyeen magaalada Muqdisho, howlgalkii ugu dambeeyay oo ahaa mid qorsheysan waxay ciidanka Mujaahidiintu ku khaarajiyeen sarkaal murtad ah oo ka tirsanaa sirdoonka Riddada oo lagu magacaabi jiray Xasan Jiis, kaas oo si gaar ah uga howlgali jiray Godka Jilicow isagoo u qaabilsanaa tacdiibinta dadka muslimiinta ah.