Sh Cabdicasiis Abuu Muscab oo ah afhayeenka ciidanka ee Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ayaa shir jaraa’id oo uu caawa warbaahinta u qabtay kaga hadlay qodobbo dhowr ah isugu jira faahfaahinta howlgalkii maalin ka hor lagu xasuuqay maleeshiyaadkii Macawiisleyda Riddada ee dhismaha qarsoodiga ah ka deganaa degmada Cabdicasiis ee caasimadda Muqdisho iyo ku dhawaaqista howlgallo cusub oo ka billaaban doono magaalada Muqdisho.
Sheekha ayaa qodobka koowaad ee shirkiisa jaraa’id ku faahfaahiyay howlgalkii barakaysnaa ee ay Mujaahidiintu ku dhaawactireen horjoogeyaashii iyo maleeshiyaadkii Riddada Macawiisleyda ee ku dhaawacmay howlgallada ka socda wilaayada Hiiraan ee lagu dhiigbixinayo maleeshiyaadka Ridada ee duullaanka ku ah shareecada islaamka, Sheekha ayaa shirkiisa jaraa’id ku xaqiijiyay in tirakoobkii ugu dambeeyay ee khasaaraha ku gaaray murtadiinta howlgalkaasi uu gaaray 79 xubnood.
Afhayeenka ciidamada Shabaabul Mujaahidiin Sh Abuu Muscab ayaa dhinaca kale ka warbixiyay howlgallo gaar ah oo dhowaan ay Mujaahidiintu ka billaabi doonaan Muqdisho, kuwaas oo lagu beegsan doono dadka daroogada soo geliya caasimadda, xarumaha faaxishada lagu sameeyo, ciyaal weerarada iyo tuugada dadka dhacda.
Hawgalladan ay Mujaahidiintu ku dhawaaqeen dhowaana ka billaaban doono magaalada caasimadda ayaa imaanaya ka dib markii bulsahda Muqdisho ay usoo cawdeen Mujaahidiinta, iyagoo ka cabanaya dhinaatooyinkaas lasoo sheegay.
Haddaba Halkan Ka Dhagayso Shirka Jaraa’id Ee Sh Abuu Muscab.