Guutada qaraxyada Mujaahidiinta ee ka howlgala wilaayada Banaadir waxay saaka qarax ku burburiyeen bakhaarkii ugu waynaa ee lagu iibinayay laguna kaydinayay daroogada noocyadeeda kala duwan, ee lasoo geliyo magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Howlgalkan oo ahaa midkii labaad oo ka dhan ah kooxaha Muqdisho soo geliya garoogada ayaa lagu burburiyay xaruntii ugu waynayd ee lagu iibinayay laguna kaydinayay daroogada noocyadeeda kala duwan oo uu khamrigu kamid yahay, taas oo ku tiillay deegaanka Lafoole ee duleedka magaalada Muqdisho.
Bakhaarka ay Mujaahidiintu qaraxa ku burburiyeen waxaa mulkiyadiisa lahaa nin lagu magacaabo Madaxeey Yuusuf Cadoow kaas oo ay isagana ku daba jiraan ciidamada Mujaahidiinta.
Dhinaca kale waxay ciidamada Mujaahidiinta ee ka howlgala maagaalada caasimadda ah weerar xooggan ku qaadeen xarunta wazaaradda gaashaandhigga kooxda Riddada Somalia ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ah xarunta ugu wayn ee maleeshiyaadka murtadiinta.