Ugu yaraan 2 askari oo ka tirsan ciidamada booliska Pakistan ayaa dhintay halka 2 kalana ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen kadib qarax ka dhacay degmada Khuzdar ee dhacda gobolka Balochistan.
Saraakiisha Booliska dowladda dabadhilifka ah ee Pakistan ayaa xaqiijiyay in laga dilay ugu yaraan labo askari ka dib qarax ay fuliyeen rag ka tirsan Mujaahidiinta Daalibaan Pakistan.
Qaraxa oo si gaar ah kaga dhacay meel u dhow dhisme lagu magacaabo Jalwan oo kuyaal degmada Khuzdar, ayaa lagu weeraray ciidamo ka tirsan booliska oo xilligaasi Roondo ku jiray.
Sarkaal sare oo u hadlay Booliiska ayaa xaqiijiyay in qaraxa oo ahaa nooca miinada dhulka lagu aaso uu si gaar ah u haleelay gaari ay ku roondaynayeen ciidamada Booliiska waxaana uu yiri. “Qaraxa ayaa lagu aasay waddada dhinaceeda, waxaana laga soo qarxiyey meel fog, ka dib markii baabuurkii roondada ahaa ee booliisku watay uu goobta yimid” Ayuu yiri.
Ilo wareedyo kale ayaa xaqiijiyay in ciidamo isugu jira Booliis iyo kuwa jawaasiista ah ay isku gidaameen goobta uu qaraxu ka dhacay, waxayna goobta ka qaadeen askarta dhimashada iyo dhaawaca ku noqday qaraxa.