Ciidamada mujaahidiinta ee ka howlgala wilaayada Banaadir waxay maanta weerar kula baqooleen xarun lagu iibiyo laguna isticmaalo maandooriyaha daroogada noocyadiisa kala duwan, taas oo ku taala agagaarka hoteel Kaah ee ka tirsan degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho.
Ilo wareedyo masuul ah ayaa xaqiijiyay in goobta weerarkaasi qorsheysan lagu qaaday ay mujaahidiintu ku dileen 2 qof oo xilligaas daroogada gaar ahaan nooca koolada ku cabayay xarunta, xubnahan la khaarajiyay waxaa mid ka mid ah uu ahaa askari ka tirsanaa booliska Riddada kaas oo magacaabi jiray Cabdi Kuus, kaas oo ay Mujaahidiintu dul tageen isagoo ay ka muuqato raadadka daroogada.
Dhanka kale waxay mujaahidiintu 2 qarax oo xooggan la beegsadeen goob isku imaatin u ah koox ciyaal weero oo ku taala xaafadda Jamhuuriya ee degmada Kaaraan, lama soo werin haddii uu jiro khasaare nafeed iyo mid hantiyeed oo soo gaaray kooxaha weerarka lala beegsaday.