Tafaasiil dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay camaliyaddii Istish-haadiga ah ee saaka ka dhacday gudaha magaalada Baardheere ee gobolka Gedo, taas oo lagu weeraray guri ay ku shirayeen saraakiil iyo masuuliyiin murtadiin ah.
Sawirro lagu faafiyay baraha internet-ka ayaa muujinayay burbur aad u baahsan ooka dhashay camaliyadda Istish-haadiga ah oo uu fuliyay mujaahid ka tirsan katiibada Istish-haadiyiinta taas oo ka dhacday guriga ay ku shirayeen saraakiil murtadiin ah, oo maalmihii u dambeeyay Baardheere u joogay abaabul dagaal oo ka dhan ah deegaannada shareecada islaamka lagu maamulo.
Saraakiil, masuuliyiin iyo maleeshiyaad murtadiin ah ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday camaliyadda inkastoo aan tirakoob rasmi ah la helin, taliska ciidanka mujaahidiinta ayaana ballan qaaday in uu faahfaahin ka bixin doono khasaaraha ka dhashay howlgalkan istish-haadiga ah.