Shirkadda Microsoft ayaa shaacisay in koox burcad Ruushiyaan ah ay weerar culus ku qaadeen ciidamada midowga Yurub iyagoo u dhacay Docommentiyo tiyo sir ah oo ay ku kaydsanaayeen xogaha ciidamada iyo gaadiidka ee dowladaha ku bohoobay Yurub.
Shabakadda CNN ee laga leeyahay waddanka Maraykanka oo soo xiganaysa shirkadda Microsoft ayaa daabacday in burcadda Internet-ka ee Ruushka ay gudaha u galeen shabakadaha ciidamada, tamarta iyo gaadiidka midowga Yurub, taas oo qayb ka ah olole basaasnimo oo dhawaan uun daaha laga qaaday.
CNN ayaa intaas ku dartay in shirkadda Microsoft ay ogaatay in burcadda Ruushka ay ka faa’iideysteen nuglaanta haysata iimaylka shirkadda midowga Yurub. taas oo taagnayd intii u dhaxaysay bilooyinkii Abriil iyo Disembar ee dabayaaqada sannadkii tagay ee 2022-kii.
Dowladda Ruushka ayaa bilihii u dambeeyay beegsi ba’an ku haysay dowlad walba oo garab siisa cadowgeeda Ukraine ka dib markii ay sannad ka hor guluf aad u ballaaran ku qaaday waddanka dhaca bariga qaaradda Yurub.
Rushka ayaa inta badan lagu eedeeya jabsadaha shirkadaha Yurub iyo Mareykanka iyo waliba taleefoonnada dowladahan, wallow ay taasi iska beenisay xukuumadda uu fadhigeedu yahay Mooscow.
Dhammaadkii 2020-ka ayay ahayd markii saraakiil ka tirsan ciidamada Maraykanka ay shaaciyeen inay heleen xogta hawlgal ballaaran oo basasnimo dhanka internetka ah oo lagu sameeyay shabakado heer federaal ah howlgalkaas oo ay fuliyeen tuugo xiriir la leh sirdoonka dowladda Ruushka.