Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar culus oo saacadihii lasoo dhaafay ay mujaahidiintu ku qaadeen xero ay tabobar ku qaadanayeen maleeshiyo ka tirsan murtadiinta taas oo kutaal magaalada Baardheere ee wilaayada Gedo.
Weerarka faahfaahinta laga helayo ayay mujaahidiintu ku ekeeyeen xerada Idc-da oo ah xero ciidan oo lagu tabobaro maleeshiyaadka Riddada. Waxaana weerarkaas oo ku billowday qarax la xaqiijiyay in uu ku bakhtiyay hal askari oo murtad ah kana mid ahaa maleeshiyaadkii tabobarka qaadanayay halka 4 kalena ay ku dhaawacmeen.
Dhaawacyada 4-ta xubnood waxay 2 ka mid ah ahaayeen mucalimiintii tabobarka siinaysay maleeshiyaadka Riddada halka saddex kalena ay ahaayeen maleshiyadii tabobarka la siinayay.