Maktabka Qadaha Ee Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ayaa goordhow soo saaray bayaan muhiim ah oo ku socda guud ahaan umadda muslimka ah ee ku dhaqan gayiga ay Soomaalidu degto. kaas oo looga codsanaayo inay bilashada bisha Ramadaan kusoo wargeliyaan xafiiska Garsoorka ee mujaahidiinta.
“Maktabka Qadaha “مكتب القضاء” ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab wuxuu maanta oo Talaado ah, taariikhduna ku beegantahay 29 Shacbaan 1444 Hirji, ku hawlanyahay raadinta curashada bisha Ramadaan. Waxaa cid walba oo bisha ka aragta wilaayaatka Islaamiga ah laga codsanayaa inay lasoo xiriirto maktabka ama masuuliyiinta wilaayada ay ka aragtay insha-Allah.” waxaa sidaas lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska Qadaha Ee Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab.