Tafaasiil dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar culus oo saacadihii lasoo dhaafay lagu qaaday saldhigga ciidamada xabashida Itoobiya ay ka deganyihiin degmada Waajid ee wilaayada Bakool, halkaas oo khasaare kala duwan lagu gaarsiiyay xabashida.
Weerarka oo ahaa mid xooggan oo dhowr jiho ah ayay ciidamada mujaahidiintu kala duldhaceen saldhigga ciidamada xabashida ee degmada Waajid, waxaana la xaqiijiyay in weerarkaasi abaabulan lagu dilay 4 askari oo Itoobiyaan ah.
Ciidamada jabhadda mujaahidiinta ee ka howlgala wilaayada Bakool ayaa sare u qaaday howlgalladooda jihaadiga ah ee ka dhanka ah xabashida iyo dabadhilifyaooda murtadiinta, weerarkaan ka dhacay Waajid ayaana kusoo beegmaya xilli 2 maalin ka hor weerar qarax ah lagu weeraray maleeshiyaad murtadiin ah oo dhismaha garoon diyaaradeed oo cusub ka waday deegaanka Yeed, halkaas oo lagu burburiyay cagaftii ay murtadiintu ku dhisanayeen garoonka macmalka ah.