Ciidamada mujaahidiintu waxay maanta magaalada Muqdisho ka fuliyeen howlgal gaar ah oo lagu khaarajiyay mid ka mid ah saraakiisha kooxda Riddada Soomaaliya ee gacanta ku haysa xabsiga dhexe oo ah xabsi ku caan baxay tacdiibinta dadka muslimiinta ah.
Mujaahidiintu waxay howlgalkan qorsheysan si gaar ah kaga fuliyeen degmada Dayniile ee magaalada caasimadda ee Muqdisho waxayna ku dileen murtad ashahaada la dirir ah oo lagu magacaabi jiray Cali Maxamuud Cali Batuullo oo ka mid ahaa saraakiisha Riddada ee gacanta ku heysa xabsiga dhexe ee Xamar.
Saraakiil ka tirsan ciidanka mujaahidiinta ayaa idaacadda Al-andalus u sheegay in sarkaalkan murtadka ah uu taliye ka ahaa xabsiga dhexe gaar ahaan qeybta lagu magacaabo (Qamta) oo ah xarun lagu tacdiibo dadka muslimiinta ee jeelkaasi ku xiran.
Sarkaalkan murtadka ah waxa uu ka mid ahaa maleeshiyaadkii Copy Amxaaro la oran jiray, kadib markii xabashida xamar ka baxday ayuu ku biiray maleeshiyaadka Liyuu booliska Riddada. Kadibna waxa uu yimid Baydhaba halkaas oo uu kaga biiray sirdoonka kooxda Riddada.
Waxaa murtadkan magaalada Baydhaba kasoo wareejiyay taliyihii hore ee waxa loogu yeero asluubta Riddada Taliye Shub kaas oo ka howlgalayay xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho, murtadkaan ayaa ahaa Jaasuus Itoobiyaan ah, mana ahayn mid qarsan jiray howshaas, isagoo ku hadli jiray Af-xabashiga, intii uu joogay xabsiga dhexe ee Xamar wuxuu ahaa mid aad u dhiba dadka maxaabiista ah sida in uu garaaco ama uu lacago baad ah ka qaato.
Waa howlgalkii labaad oo ay mujaahidiintu 24 saac gudahood ka fuliyaan gudaha magaalada Muqdisho kuwaas oo lagu beegsaday saraakiisha kooxda Riddada Soomaaliya.