Guutada qaraxyada mujaahidiinta ee ka howlgala wilaayada waxay caawa qaadeen howlgal culus oo loo adeegsaday qaraxyo kuwaas oo lala beegsaday xarumo degmo, saldhigyo ciidan, Bara-contarool iyo guryo ay deganyihiin mas’uuliyiin ka tirsan kooxda Riddada Soomaaliya.
Qaraxyadii caawa laga maqlay Muqdisho ayaa u kala dhacay sidan, Degmada C/casiis waxay mujaahidiintu qarax ku weerareen guriga uu degmadaasi ka deganyahay guddoomiyaha murtadiinta ugu magacaaban Banaadir murtadka lagu magacaabo Yuusuf Madaale, qaraxa labaad ayaa ka dhacay degmada Hodan waxaana lala beegsaday guriga uu degmadaas ka degan yahay Senator lagu magacaabo Cismaan Maxamuud Dufle kaas oo ka tirsan golaha aqalka sare ee kooxda Riddada, Qaraxa saddexaad oo ka dhacay degmada Shibis waxay mujaahidiintu ku weerareen xarunta Nabadsugida ee Habar Khadiijo, Degmada Xamar Jajab waxaa la qarxiyay goob bar kulan u ah ciidanka Dharcadka ee Sirdoonka kooxda Riddada, Qaraxa shanaad ayay mujaahidiintu ka fuliyeen Yaaqshiid waxaana lala beegsaday xarunta maamulka Riddada ee degmadaas.
Qaraxa lixaad waxay mujaahidiintu ka fuliyeen degmada Kaxda waxaana lagu weeraray xarunta maamulka Riddada ee degmadaas, degmada Kaaraan ayay sidoo kale mujaahidiintu qarax ku weerareen xarunta maamulka Riddada ee degmadaas, qaraxa siddeedaad waxay guutada qaraxyada mujaahidiintu ka fuliyeen degmada Heliwaa waxaana lagu weeraray xarunta maamulka Riddada ee degmadaas.
Howlgalka sagaalaad ee qaraxa ah waxaa uu ka dhacay degmada Dayniile kaas oo beegsaday saldhidga murtadiinta ee degmadaas, degmada Howlwadaag waxaa ka dhacay qarax lala beegsaday saldhiga Ridada ee degmadaas, qaraxa 11-aad waxay mujaahidiintu ka fuliyeen degmada Wardhiigley waxay mujaahidiintu ku weerareen saldhidga Riddada ee degmadaas
Degmada Wadajir waxaa la qarxiyay saldhiga Murtadiinta ee degmadaas, qaraxa 13-aad ayay ciidanka mujaahidiintu ka fuliyeen degmada Dharkenley waxaana lagu weeraray saldhigga maleeshiyaadka Riddada ee degmadaas, halka qaraxa 14-aad na uu ka dhacay degmada Waabari waxaana howlgalkan qaraxa ah lagu weeraray guriga R/wasaarihii hore ee murtadiinta murtad Xasan Cali Kheyre kaas oo kuyaal degmadaas.
Degmada Boondheere oo ka mid ah degmooyinka qaraxyada lagu weeraray waxay mujaahidiintu ku qarxiyeen Bar kulan ay isugu yimaadaan maleshiyaatka Dharcadka ee ka tirsan Sirdoonka kooxda Riddada, Degmada Xamarweyne oo ah degmada 16-aad ee ay qaraxyadu ka dhaceen waxay mujaahidiintu ku weerareen Bar-contorol oo maleeshiyada Riddada ay ku leeyihiin degmadaas, qaraxa 17-aad waxay ciidanka mujaahidiintu ka fuliyeen degmada Shangaani oo ka mid ah degmooyinka Banaadir waxayna howlgalkaasi qaraxa ah ku weerareen xarunta wazaaradda gaadiidka ee degmadaas.