Barnaamijka Tartan aqooneedka Andalus waa barnaamij aad u xiiso badan oo sannadkiiba mar ay qabato idaacadda islaamiga ah ee Al-andalus waana barnaamij ay ku tartamaan bulshada wilaayaadka islaamiga ah, sannadkan waxaa barnaamijka ku tartamaya 2 majmuuco oo ka kala socda 10-ka wilaayo ee dhaca koonfurta iyo bartamaha Somalia.
Idaacaddu waxay habeenkii xalay soo gabagabeysay wajiga koowaad ee tartan aqooneedka idaacadda ee sannadkaan 1444 Hijri, ka dib tartan adag oo dhexmaray 10-ka majmuuco ee ka kala socday wilaayaadka dhaca koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, waxaana wareegga labaad usoo gudbay majmuucaadka wilaayaadka kala ah Jubooyinka, Sh/hoose Sh/dhexe, Gedo iyo Galgaduud.
Halkan Ka Dhagayso Xalqada 16-aad Ee Barnaamijka Tantan Aqooneedka Andalus.