Wararka ka imaanaya Kuuriyada koonfureed ayaa sheegaya in shil culus oo gelinkii dambe ee khamiistii shalay ka dhacay gudaha waddankaasi ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen dalxiiseyaal Yahuud ah oo ku sugnaa Kuuriya.
Ilo wareedyo ciidan oo laga soo xigtay saraakiisha booliska ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in shilkan uu yimid ka dib markii uu rogmaday gaari Bus ay ka buuxeen dalxiiseyaal Yahuud ah, xilli uu marayay waddada dheer ee aadda magaalada Chungju ee waddanka Kuuriyada Koonfureed, halkaas oo khasaare lixaad leh uu kasoo gaaray Yahuudda.
Inta la xaqiijiyay waxaa shilkan ku dhintay 1 qof oo Yahuud ah, halka ay ku dhaawacmeen 34 kale oo ay ku jiraan 32 qof oo Yahuud ah, kuwaas oo qaarkood aad looga dayrinayo xaaladdooda caafimaad.
Laamaha caafimaadka ayaa xaqiijiyay in bukaannada shilkaasi la dhigay xarumaha caafimaadka, 11 ka mida dadkii Yahuudda ahaa ee ku dhaawacmay shilkan ayay sheegeen in loo qaaday cisbitaal aan ka fogayn halka uu shilku ka dhacay, bukaannadan 11-ka ah ayayna dhakhaatiirtu sheegeen inay xaaladdoodu tahay mid halis ah.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Kuuriyada Koonfureed ayaa war ay soo saartay ku sheegay in ay dowladdu gurmad u fidin doonto dadka dhaawacyada halista ah qaba ee Yahuudda, kadib codsi inooga yimid bay tiri safaaradda ay Yahuuddu ku leedahay caasimadda waddankaasi ee Siyool.