Mujaahidiintu waxay maanta magaalada Beledweyne ee Hiiraan ku khaarajiyeen mid ka mid ahaa saraakiisha maamulka Riddada ah ee gobolka Hiiraan, sidoo kale qayb ka ahaa abaabulka maleeshiyaadka macawiisleyda Riddada.
Howlgalkan oo galabta ka dhacay gudaha magaalada Beledweyne waxay ciidamada mujaahidiintu ku khaarajiyeen sarkaal 2 Xidigle ahaa oo la oran jiray Nuur Xassan Bidaar oo ku magac dheeraa (Nuur Xasaney), kaas oo horay usoo noqday taliye ku xigeenkii saldhigfa booliska magaalada Beledweyne, haddana ahaa abaabule macawiisleyda Hiiraan.
Dhanka kale waxay mujaahidiintu gelinkii dambe ee maanta qarax xooggan ka fuliyeen deegaanka Tareedisho ee dhaca duleedka magaalada Muqdisho, qaraxan ayaana lala eegtay maleeshiyaad ka tirsan murtadiinta oo halkaasi ku socdaalayay, inta la hubiyay waxaa qaraxaasi ku dhaawacmay 4 askari oo murtadiin ah.