Ciidamada guutada madaafiicda mujaahidiinta ee ka howlgala wilaayada Galgaduud ee dhacda bartamaha Somalia waxay gelinkii dambe ee maanta weerar madaafiic ah ku qaadeen saldhig ciidan oo maleeshiyaadka Riddada ay kaga suganyihiin deegaanka Cali Yabaal, ee dhaca duleedka degmada Ceeldheer ee wilaayadaasi Galgaduud.
Weerarkan madaafiicda ah ayaa sidii loo qorsheeyay u beegsaday gudaha saldhigga maleeshiyaadka murtadiinta ee deegaanka Cali Yabaal, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo masuul ah oo la hadlay Andalus.
Inta la xaqiijiyay waxaa weerarkaasi madaafiicda ah ku dhintay 2 askari oo murtadiin ah, halka ay ku dhaawacmeen 3 kale, kuwaas oo ka mid ahaa maleeshiyaadkii ku sugnaa saldhiggan weerarka madaafiicda ah marti geliyay.