Wararka ka imaanaya dalka Kenya ayaa sheegaya in kooxo hubeysan oo burcad Kenyaan ah ay gudaha xaruntiisa ku dileen ganacsade Soomaali ah oo ka mid ahaa soomaalida ku dhaqan magaalada Mariakani ee dhacda gobolka xeebta ah ee waddankaasi Kenya.
Kooxaha burcadda Kenyaanka ah ayaa u dhacay xarunta ganacsi ee qofkaasi Soomaaliga ah, ka hor inta aysan dilin ganacsadaha waxay dhac baahsan u gaysteen xaruntii uu lahaa ganacsadaha.
Ehellada ninkan lagu dhex dilay gudaha magaalada Mariakani ee waddanka Kenya oo lagu magacaabi jiray Mascuud Muuse Xaaji Axmad ayaa ka warbixiyay sida ay wax u dhaceen.