Guutada qaraxyada mujaahidiinta ee ka howlgala wilaayada Sh/dhexe waxay howlgal qarax ah ku beegsadeen guri uu magaalada Jowhar ee xaruta maamulka ashahaada la dirirka ah ee Hirshabeelle ka deganyahay guddoomiyaha maamulka Riddada ugu magacaaban degmada Ganboole ee Sh/dhexe.
Ilo wareedyo masuul ah ayaa xaqiijiyay in xilliga uu qaraxasi dhacayay murtadkan oo lagu magacaabo Fooriyow uu ku sugnaa gudaha gurigiisa, waxayna taasi dhaxalsiisay dhaawac culus oo soo gaaray murtadka qaraxa lagu weeraray ee maamulka murtadiinta ugu magacaaban degmadaasi Ganboole.
Waa mid ka mid ah howlgallada qorshaysan ee ay ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ku beegsanayaan madaxda iyo maleeshiyaadka kooxda Riddada Somalia ee saliibiyiinta ku kaabaya duullaanka ka dhanka ah shareecada islaamka.