Ciidamada xarakada Shabaabul mujaahidiin ee ka howlgala wilaayada Sh/dhexe waxay weerar xoogan oo madaafiic ah ku qaadeen xero ciidan oo maleeshiyo ka tirsan murtadiinta ay ka deganyihiin deegaan dhaca duleedka degmada Aadan Yabaal ee wilaayada Sh/dhexe.
Ilo wareedyo xog-ogaal ah ayaa xaqiijiyay in madaafiicdaasi ay mujaahidiintu si gaar ah ugu garaaceen saldhigga maleeshiyaadka murtadiinta ee deegaanka Cali Axmed ee dhaca duleedka degmada Aadan Yabaal, madaafiicdaas ayaa la xaqiijiyay inay ku dhaceen gudaha xerada.
Inkastoo aan xog rasmi ah laga helin numberka khasaaraha ee ka dhashay madaafiicda, haddana waxaa la xaqiijiyay in uu jiro khasaare xooggan oo maleeshiyaadka murtadiinta kasoo gaaray duqaynta ay mujaahidiintu fuliyeen.