Ciidamo ka tirsan millatariga dowladda saliibiyadda ah ee Itoobiya ayaa maanta xasuuq ba’an ka gaystay magaalada Qabri-dahar ee xarunta gobolka Qoraxey ee dhulka Soomaali galbeed, iyadoona magaalada uu ka billowday kacdoon ballaaran oo ka dhan ah xabashida.
Ciidamadan xasuuqa ku kacay ayaa la socday gaadiidka nooca kuwa dagaalka ah oo marayay gudaha Qabri-dahar, waxayna mar qura rassaas xooggan ku fureen dad shacab ah oo ku sugnaa suuqa magaalada, taas oo keentay khasaare soo gaaray shacab aan wax galabsan.
Inta la xaqiijiyay waxaa rassaasta ay fureen ciidamada xabashida Itoobiya ku dhaawacmay ugu yaraan 7 qof, kuwaas oo qaarkood la xaqiijiyay in dhaawacoodu yahay mid xooggan lana dhigay xarumaha caafimaadka, waxay sidoo kale ciidamada Itoobiya qafaasheen shacab kale.
Dhinaca kale isku soo baxyo ballaaran ayaa ka billowday magaalada Qabri-dahar, kaas oo ay dadka rayidka ahi kaga soo horjeedaan dowladda xabashida kagana dhiidhinayaan gummaadka lagula kacay shacabka.