Wararka ka imaanaya gobolka Sool ee dhaca waqooyi bari Soomaaliya ayaa sheegaya in roobab mahiigaan ah oo ay dadka iyo duunyadaba ku diirsadeen ay ka da’een deegaanno badan oo hoos taga gobolkaas.
Deegaannada ay ugu xooggan ee ay raxmadda alle ku hoortay waxaa ka mid ah degmada Xudun ee gobolkaasi Sool, halkaas oo uu roobku biyo dhigay.
Marka laga soo tago biya dhigga iyo raxmadda roobka waxaa dhanka kale jira oo la soo wariyay khasaare nafeed iyo mid hantiyeed oo ka dhashay duufaanno iyo biriq ku dhacday miyiga degmada Xudun.
Ugu yaraan 1 qof oo reer guuraa ah ayaa la xaqiijiyay in uu ku dhintay danab ama biriq kula dhacday baadiyaha Xudun, halka ay waxyeello soo gaartay 2 xubnood oo kale oo ka mid ah qoyska qofka dhintay.