Ciidamo ka tirsan jabhadda mujaahidiinta ee ka howlgala wilaayada Hiiraan waxay galabta si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta deegaanka Baardheere oo ah deegaan muhiim ah oo qiyaastii 18 Km u jira magaalada Beledweyne ee dhacda wilaayada Hiiraan.
Ilo wareedyo xog-ogaal ah ayaa xaqiijiyay in mujaahidiintu ay gudaha u galeen deegaankan ka dib markii ay halkaasi isaga carareen maleeshiyaadkii Riddada ee horay ugu sugnaa deegaanka, maleeshiyaadkan ayaana cararay ka gadaal markii ay soo wajahday cabsi ku aadan weerarada mujaahidiinta.
Dad goobjoogeyaal ah oo ku sugan deegaanka ayaa soo sheegay in deegaanka ay imika si buuxda gacanta ugu hayaan ciidamada mujaahidiinta, deegaankaan ayaana ah mid istaraatiiji ah oo dhaca duleedka xarunta goboleedka gobolka Hiiraan ee Beledweyne.