Xafiiska warfaafinta ee Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ayaa bayaan adag kasoo saaray dhul boobka ay waddo kooxda Riddada Soomaaliya ee uu madaxa ka yahay murtad Xassan Sheekh Maxamuud, taas oo muddooyinkii dambe waday xaraashka khayraadka umadda iyo dhulka caamka ah.
Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa digniin adag u jeedisay cid walba oo ku howlan boobka hantida Soomaaliyed ee maguurtada ah sida dhulka iyo badda, waxayna xarakadu soo bandhigtay xaraashka uu murtad Xassan Sheekh ku hayo hantida caamka ah iyo boobka khayraadka badda.
Sidoo kale bayaanka xarakada ayaa ganacsatada iyo bulshada Soomaaliyeed ee muslimka ah uga digay inaysan ku kadsoomin xaraashka Xassan Sheekh ee uu lacaga yar ku siisanayo dhulka danta guud ee magaalada Muqdisho, iyadoo bayaan lagu xusay in cid walba oo iibsata dhulka caamka lagula xisaabtami doono maadaama uu dhulku yahay mid umadda oo dhami ka dhaxeeyo.
Halkan Kala Deg Bayaanka Xarakada.
Ama Hoos Ka Akhriso.