Mujaahidiinta ka howlgala gudaha waddanka Kenya waxay howlgal culus oo qarax ah la beegsadeen gaari ciidan oo ay ka buuxeen ciidamo ka tirsan saliibiyiinta Kenya, kuwaas oo ku socdaalayay duleedka magaalada Mandheera ee qaybta ka ah dhulka NFD ee ku hoos jira gumeysiga saliibiyiinta Kenya.
Howlgalkan qaraxa ah waxay mujaahidiintu ku burburiyeen gaari nooca Kooyalka ah oo ay wateen ciidamo ka tirsan saliibiyiinta Kenya oo kasoo baxay magaalada Mandheera kuna sii jeeday deegaanka Raamo oo ka tirsan isla gobolka Mandheera.
Ilo wareedyo masuul ah ayaa xaqiijiyay in qaraxaasi uu burburiyay gaariga lagu weeraray oo ahaa Kooyal halka sidoo kalena askartii la socotay ay u qaybsameen bakhti iyo dhaawac, siddeed askari oo ka mid ah ciidamadii sida xun ugu dhaawacmay hiwlgalkan qaraxan ayaa la xaqiijiyay in la dhigay cisbitaal kuyaal magaalada Mandheera.
Howlgalkan qaraxa ah ee ka dhacay duleedka magaalada Mandheera ayaa qayb ka noqonaya howlgallada xiriirka ah ee ay ciidamada mujaahidiintu ka wadaan dhulalka muslimiinta ee ay xoogga ku haystaan saliibiyiinta Kenya.