Fagaaraha wayn ee degmada Jilib ee wilaayada islaamiga ee Jubbooyinka waxaa galabta ka dhacay xukun xaddu Riddo dil ah, kaas oo lagu fuliyay shan xubnood oo jawaasiis ah oo u shaqaynayay sirdoonnada Maraykanka iyo murtadiinta.
Xubnaha jawaasiista ah ee galabta madaxyada looga guray degmada Jilib waxay kala ahaayeen 1- Cabdicasiis Aadan Maxamed 41 jir ah la shaqaynayay sirdoonka maamulka Riddada Jubbland, (2)- Cumar Cabdi Aadan (Dhagaweyne) 27 jir ah la shaqaynayay sirdoonnada Riddada iyo Maraykanka. 3- Madey Idbow Madow 25 jir ah oo la shaqaynayay sirdoonnada murtadiinta iyo Maraykanka. 4- Mustaf Isxaaq Xassan 26 jir ah la shaqaynayay sirdoonka murtadiinta Koonfur galbeed. 5- Xuseen Cumar Yuusuf 35 jir ah la shaqaynayay sirdoonka Maraykanka.
Dhammaan xubnahan jawaasiista ah ee shan ta ah waxay maxkamadda wilaayada islaamiga ah ee Jubboyinka ka hor qirteen inay basaas u ahaayeen sirdoonnada Riddada iyo midka Maraykanka ee (CIA) ayna ka dambeeyeen duqaymo kala duwan oo ka dhacay wilaayaadka islaamiga ah oo loo gaystay dad muslimiin ah.