Tafaasiil dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaallo culus oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay duleedka magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, halkaas oo si ba’an loogu xasuuqay maleeshiyaadka murtadiinta.
Dagaalladan oo ahaa kuwa si xun loogu jabiyay maleeshiyaadka Riddada waxaa inta la xaqiijiyay lagu dilay 12 askari oo ka tirsanaa murtadiinta halka sidoo kale lagu dhaawacay 9 kale oo isla murtadiinta ka tirsan.
Dhanka kale waxay mujaahidiintu howlgal qarax ah ku weerareen fariisin ciidan oo maleeshiyaadka Riddada ay kaga suganyihiin xaafadda Jamhuuriya ee ka tirsan degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho.
Sidoo kale waxay ciidamada Shabaabul Mujaahidiin dagaal culus ku mireen saldhiga ciidamada saliibiyiinta Itoobiya ay kaga suganyihiin degmada Diinsoor.