Ciidamo ka tirsan jihaazka amniga mujaahidiinta ee ka howlgala magaalada Muqdisho waxay howlgal gaar ah oo ay ka fuliyeen gudaha degmada Dharkenley ee caasimadda ku khaarajiyeen sarkaal sare oo ka tirsanaa hayadda waxa loogu yeero nabadsugidda kooxda Riddada Soomaaliya.
Howlgalkan oo si gaar ah kaga dhacay xaafadda Suuq boocle ee degmada Dharkenley waxay mujaahidiintu ku dileen sarkaal sare oo ka tirsanaa nabadsugida Riddada, kaasi oo lagu magacaabi jiray Ismaaciil Xasan Amiin oo loo garan ogaa Ismaaciil Ookiyaalo, sarkaalkan murtadka ah ayaana caan ku ahaa dhibaataynta dadka shacabka ee ku dhaqan caasimadda Muqdisho.
Sidoo kale howlgal abaabulan oo ciidamo ka tirsan mujaahidiinta ay ka fuliyeen degaan waynaha Ceelasha biyaha ee dhaca duleedka Muqdisho waxay ku dileen askari ka tirsanaa murtadiinta, kaas oo lagu magacaabi jiray Cabdiqaadir Cismaan Sheegow.
Howlgalladan ka kala dhacay magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda waxay qayb ka yihiin howlgallada xiriirka ah ee ay mujaahidiintu ka wadaan caasimadda, kuwaas oo lagu beegsanayo saraakiisha iyo maleeshiyaadka murtadiinta ee qaybta ka ah dagaalka ka dhanka ah shareecada islaamka.