Ciidamada guutada qaraxyada mujaahidiinta ee ka howlgala wilaayada Banaadir waxay howlgal qorsheysan oo qarax ah ku beegsadeen gaari uu la socday sarkaal sare oo ka tirsan kooxda Riddada Soomaaliya, xilli uu ku sugnaa gudaha degmada Dayniile.
Qaraxa oo ahaa mid xooggan ayaa beegsaday gaari uu watay murtad Nuur Maxamed Cali oo ah sarkaal ciidan oo ka tirsan maleeshiyaadka murtadiinta, si gaar ahna ugu qaabilsan qeybta sahanka guutada koowaad ee maleeshiyaadka Riddada, murtadkan ayaana si dirqi ah kaga badbaaday qaraxaan lagula beegsaday degmada Dayniile ee Muqdisho, waxaa sidoo kale la xaqiijiyay burbur xooggan soo gaaray gaarigii uu watay.
Howlgalkan qaraxa ah ee ka dhacay Banaadir ayaa qayb ka ah silsilado howlgallo ah oo ay mujaahidiintu ka wadaan magaalada Muqdisho, kuwaas oo lagu beegsanayo madaxda iyo maleeshiyaadka Riddada.