Rag ka tirsan ciidamada mujaahidiinta ee ka howlgala gobolka Banaadir waxay howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen gudaha degmada Dharkenley ku khaarajiyeen mas’uul ka tirsanaa maamulka murtadiinta ugu magacaaban gobolka Banaadir gaar ahaan kan degmada Dharkenley, murtadka la khaarajiyay ayaana lagu magacaabi jiray Yuusuf Ganey, waxay ciidamada mujaahidiintu sarkaalkaasi murtadka ah kasoo qaniimeysteen baastoolad uu ku hubeysnaa.
Sidoo kale waxay ciidamada mujaahidiintu isla howlgalkan dhaawac culus ugu geysteen murtad ashahaada la dirir ah oo lagu magacaabo Cabdi Macalin, kaasi oo ah guddoomiye ku xigeenka Laanta Kaawo Godeey ee Dharkenley.
Dhanka wilaayada Baay waxay ciidamada mujaahidiintu duhurnimadii maanta dagaal xooggan ku qaadeen xerada ciidamada saliibiyiinta xabashida ay kaga suganyihiin degmada Diinsoor.
Dhanka NFD waxay mujaahidiintu weerar kamiin ah u dhigeen kolanyo ciidan oo ka tirsan millatariga saliibiyiinta Kenya oo ku socdaalayay waddada dheer ee xiriirisa deegaanka Buraa iyo magaalada Gaarisa, waxaa inta la hubiyay weerarkaasi kamiinka ah lagu gubay gaari Kooyal ah, dhammaan ciidamadii Kenyaatiga ahaa ee la socdayna waxaa la hubiyay inay goobta ku halaagsameen.