Wararka ka imaanaya waddanka Ruushka ayaa sheegaya in laba duuliye oo Ruushiyaan ah ay ku dhinteen ka dib shil diyaaradeed oo ka dhacay jaziiradda ay xoogga ku haysato dowladda Ruushka ee Al-qirim.
Wasaaradda difaaca ee dowladda Ruushka ayaa qoraal kooan oo ay soo saartay ku sheegtay in labada duuliye ay ku dhinteen diyaarad nooca helikobtar ah oo ay la socdeen, kadib shil ka dhashay cilad ku timid diyaaradda oo xilligaasi la xaqiijiyay inay ku jirtay duullimad tabobar.
Diyaaradan milatari ee burburtay oo nooceedu ahaa Mi-28 ayaa sabtida maanta ah lagu waday inay soo gabagabayso duulimaadkeedii dhanka tababarka, waxayna saraakiishu soo dhicisteedu u sababeeyeen cillad farsamo oo ku timid.