Sheekh Yuusuf Sheekh Ciise Kabakutukade waaliga wilaayada islaamiga ah ee Sh/dhexe ayaa ka hadlay weerarkii xoogganaa ee maanta ka dhacay duleedka Ceel Cali Axmad ee wilaayada Sh/dhexe, halkaas oo xasuuq ba’an loogu gaystay maleeshiyaadka murtadiinta Danab ee uu Maraykanku soo tabobaray.
Maleeshiyaadkan oo doonayay inay dhibaatooyin u gaystaan dad muslimiin ah ayaa la kulmay weerar culus oo jidgal ah waxaana weerarkaasi markii dambe uu isku badalay dagaal toos ah oo lagu xasuuqay maleeshiyaadka Riddada ee Danab, waxaana inta la xaqiijiyay goobta dagaalka maleeshiyaadka Riddada looga dilay 27 askari halka tiro kale oo intaas ka badanna laga dhaawacay, waxayna mujaahidiintu Allaah fadligii soo qaniimeysteen gaadiid ciidan oo kala ah 2 Cabdibile iyo mid hardtop ah.
Waaliga wilaayada islaamiga ah ee Sh/dhexe ayaa sheegay in maleeshiyaadka maanta lagu galay duleedka Ceel Cali Axmad ay ahaayeen maleeshiyaad laga keenay gobolka Mudug oo qayb ka ah kuwa loogu yeero Danab kuwaas oo loogu tala galay inay xoojiyeen maleeshiyaadkii Riddada Danab ka dib markii ay ku le’deen howlgalladii u dambeeyay ee ka dhacay Galgaduud iyo Sh/dhexe.