Ciidamada guutada qaraxyada mujaahidiinta ee ka howlgala wilaayada Banaadir waxay howlgal qarax ah ka fuliyeen xarunta maamulka Riddada ee gobolka Banaadir waxayna qaraxaasi la eegteen la eegteen baabuur uu watay murtad lagu magacaabo Shidane Gabeyre oo ah Sarkaal sare oo ka tirsaa sirdoonka kooxda Riddada Somalia ee isugu yeera Nabadsugidda.
Saraakiil ciidan oo ka tirsan mujaahidiinta waxay Andalus u xaqiijiyeen in murtadkaan oo ka mid ahaa Soomaalida qurbajoogta uu ka badbaaday qaraxaasi, balse waxaa halkaasi ku gubtay baabuurkii uu watay ee ay mujaahidiintu qarxiyeen, iyadoona sidoo kale qaraxa uu waxyeello gaar siiyey xarunta maamulka Riddada ee gobolka Banaadir.
Dhanka howlgal qorshaysan oo ciidamada mujaahidiintu ka fuliyeen xaafadda Obasiiba ee degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho waxay ku dileen Muuse Maxamed Rooble oo ka mid ahaa horjoogayaasha macaawisleyda Riddada ee Sh/dhexe.