Xafiiska warfaafinta ee Shabaabul Mujaahidiin ayaa si rami ah u baahiyay warmurtiyeedkii kasoo baxay shirwaynihii 2-aad ee looga arrinsanayay jihaadka ka socda bariga, kaas oo dhowaan kusoo dhamaaday wilaayaadka islaamiga ah ee dalka, ayna ka qayb galeen inka badan 100 xubnood oo isugu jiray Culimada, Odayaasha dhaqanka iyo hoggaanka guud ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo uu ugu horeeyo Sheekh Axmad Cumar Abuu Cubeyda, Xafidahullaah.
Warmurtiyeedka laga soo saaray shirwaynahan caalamiga ah oo ka kooban 5 Page kuna soo baxay dhowr luuqadood oo kala duwan, maadaama uu shiwaynuhu ahaa mid kulmiyay Ansaar iyo Muhaajiriin ka kala timid dalalka bariga Africa waxaa goobta ka akhriyay Nabaddoon Ibraahim Shaacirul islaam oo ah guddoomiyaha golaha nuqabada wilaayaadka islaamiga ah.
Shiwaynahan waxaa looga niqaashay illaa shan qodob oo muhiim ah, kadib muddo 8 maalmood ah oo ay culimada, odayaasha, aqoonyahanada iyo hogaanka guud ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab isla gorfeynayeen arimaha shanta ah waxaa ugu dambeyntii -Allaah fadligii- shirweynaha kasoo baxay qodobbo muhiim ah.
Halkan Ka Dhagayso Warmurtiyeedka Shirwaynaha 2-aad Ee Jihaadka Bariga Afrika Oo Af-soomaali Ah.