Kanaalka wararka ee Al-kataa’ib ayaa baahiyay muuqaal lagu soo bandhigayo qaybta 1-aad shirka wadatashiga 2-aad ee looga arinsanayo Jihaadka ka socda bariga Afrika, kaas oo ay ka qeybaleen in ka badan 100 xubnood oo isugu jira Culimada, Odayaasha dhaqanka iyo hogaanka guud ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Qaybtaan waxa uu qanaadka kusoo bandhigay furitaankii shirka, qayb ka mida hadalladii laga jeediyay iyo waraysiyo lala yeeshay qaar kamid ah masuuliyiintii kasoo qayb gashay shirka, oo uu kamid yahay Amiirka guud ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, Sheekh Axmad Cumar Abu Cubayda – Xafidahullaah.